U bood dhigaalka

Puntland: Aqoonyahan Taageeray Maqaamka Muqdisho iyo Dhaqangelinta Doorasho Qof iyo Cod

Sheeko:Baarlamaanka

Bayaan ay soo saareen mas’uuliyiin iyo aqoonyahan ka tirsan Puntland oo la soo gaarsiiyey Goobjoog News ayaa lagu sheegay in Puntland ay aasaas u tahay qarannimada Soomaaliya  ee ku saleysan federaalka iyaga oo ka digay in si qaldan loo fasirto qodobadka 4-aad ee dastuurka Puntland.

Arrinta maqaamka Muqdisho waxaa ay sheegeen inuu ku qeexan yahay dastuurka KMG ah, iyaga oo soojeediyey in loo maro sifo dastuuri ah.

Waxaa ay dhiirigeliyeen in doorasho qof iyo cod ah ku dhacdo waqtigii loogu talo-galay, lana dhaqangeliyo sharciga doorashada ee baarlamaanka ansixiyey.