U bood dhigaalka

Puntland iyo Jubbaland Kadib, Madasha Xisbiyada Ayaa Taageeray Aqalka Sare

Sheeko:Baarlamaanka

Madasha Xisbiyada Qaran oo warmurtiyeed ka Soo saarey go,aankii Aqalka Sare ee ku aadanaa habraacyada been abuurka ah ee la sheegay lagu sameeyey xeerkii ay Soo wada diyaariyeen Guddigii Labada Gole BFS ka koobnaa ee lagu ansixiyey golaha shacabka, iyaga oo soo dhoweeyey mowqifka golaha aqalka sare.

Madasha ayaa kula talisay hoggaanka sare ee dawladdu joojiyo cagajiidka iyo waqti lumiska ayna ka shaqeeyaan kaliya sidii ay dalkan doorasho heshiis lagu yahay uga dhici lahayd waqtiga hadhay.