U bood dhigaalka

Puntland: Jadwalka Doorashada Kuraastii U Dambaysay Oo La Shaaciyay

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Puntland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada kuraas ka tirsan golaha shacabka oo deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Garowe.

Kuraasta la shaaciyay ayaa kala ah HOP#073, HOP#191, HOP#198, HOP#199, HOP#129 iyo HOP#221, kuwaas oo dhawaan lagu dooranayo magaalada Garowe.

Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay kuraastaan xildhibaanada kala ah :-

HOP#073: Cali Axmed Jaamac Jangali

HOP#191: Daahir Maxamuud Muuse

HOP#198: Saleebaan Maxamuud Xaashi

HOP#199: Xaawo Yuusuf Axmed

HOP#129: Sacdiya Yaasin Xaaji (Samatar)

HOP#221: Daa’uud Maxamed Cumar

Kuraastaan ayaa ah kuwa ugu dambeya maamulka Puntland waxaana doorashadooda la qabanayaa18-ka bishaan maarso.