U bood dhigaalka

Puntland: Liiska Odayaasha Dhaqanka 6 Kursi Oo La Shaaciyay

Sheeko:Baarlamaanka

Guddigga doorashooyinka dadban ee dowlad Goboleedka Punland ayaa shaaciyey liiska ergada guddiyada soo kala xulaya Ergada kala dooranaysa kuraas ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee federalka Soomaaliya, kuwaas oo doorashadoodu ay ka dhacayso magaalada Garowe ee xarunta u ah maamulka

Liiska guddiyadaan la shaaciyey ayaa waxaa ay soo kala xulayaan ergada kala dooranaysa kuraasta tirsigoodu yaay HOP#073, HOP#129, HOP#191, HOP#221, HOP#1998 iyo HOP#199, kuwaas oo doorashadoodu ay dhacayso 18-ka bishaan Maarso 2022-ka, sedex maalin kadib maalintii loo asteeyey soo gabagabeynta doorashada Baarlamaanka.

HOP#073: Cali Axmed Jaamac Jangali

HOP#191: Daahir Maxamuud Muuse

HOP#198: Saleebaan Maxamuud Xaashi

HOP#199: Xaawo Yuusuf Axmed

HOP#129: Sacdiya Yaasin Xaaji (Samatar)

HOP#221: Daa’uud Maxamed Cumar

No photo description available.

No photo description available.

Kuraastaan ayaa ah kuwa ugu dambeya maamulka goboleedka Puntland waxaana doorashadooda la qabanayaa18-ka bishaan maarso, 3 maalin ka dib markii loo asteeyey in lagu soo gabagabeeyo doorashada, waxaana shaacinta guddiga ay kusoo aadaysaa iyadoo horay maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed soo gabagabeeyeen doorashada golaha shacabka.

Goobjoog News