U bood dhigaalka

Puntland oo Ka Jawaabtay Hadalkii Wasiir Godax Barre.

Sheeko:Waxbarashada

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dowlad gobaleedka Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeeray wasiirka wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliita sare ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdullaah Goodax barre oo ku saabsan manhajka iyo guud ahaan waxbarashada.

Wasiirka Puntland oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad gobaleedka Puntland ay heshiis ku yihiin dib u dhiska hanaan faderaaliga ah ee waxbarashada uu saldhig u yahay Dastuurka dalka ee lagu heshiiyey Isaga oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri.

“Wasaaradda waxbarashada Puntland iyo wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee dowladda federaalka ah waxaa ay heshiis ku yihiin geedi socodka iyo dib u dhiska hanaanka federaaliga ah ee waxbarashada dalka iyadaoo uu sal dhig uu u yahay Dastuurka KM ee federaalka iyo kan Puntland “.

Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa siiwato ayaa xusay in ay jiraan qodobo lagu heshiiyey kuwaas oo labada dhinac ay isku raaceen dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedka Puntland, waxaa uuna ka yiri.

” Wasaaradda waxbarashada Puntland iyo wasaaradda waxbarashada federaalka waxaa ay in badan ku heshiiyeen umadaxbannaanida dajinta qaadista iyo sixiidda Imtixaanka Puntland sida ku cad heshiisyo dhowr ah oo ay wada galeen labada wasaaradood uuna ka mid yahay heshiiskii bishii 7-aad 2015-kii iyo heshiis kale oo ay wada galeen labada dhinac bishii 7-aad 2017-kii”.

Dhanka kale wasiirka wasaaradda waxbarashada dowlad gobaleedka Puntland ayaa warbaahinta ka hor aqriyey qodobadii labada dhic aya isku raaceen oo lagu balamay in lagu wada shaqeeyo.

Halkaan ka Akhriso:

1: In Puntland u madax bannaan tahay qaadista imtixaanka Ardeyda deegaannada Puntland.

2: In wasaaradda Waxbarashada federaalka ay imtixaanka ku leedahay talo,kormeer iyo taageero dhaqaale.

3: In Waaaradda Waxbarashada Puntland ay Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbiso Imtixaankii ay qaadey.

4: In laga wada tashado sidii loo hormarin lahaa Imtixaanka guud ahaan Soomaaliya.

5:In la isku waafaqo bixinta Shahaadada waa qodob muhiim ah si ardayda Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan u helaan cadeynta aqoontooda si ardayda Soomaaliyeed ay u helaan cadeynta aqoontooda taas oo ay xaq u leeyihiin waana mid arday kasta oo Soomaaliyeed uu xaq u leeyahay gobal kasto uu joogo dalka Soomaaliya.

6: In shahaadada Ardayda deegaanada Puntland laga bixiyo Xafiiska Imtixaanadka wasaaradda Waxbarashada Puntland sida uu dhigayo heshiiskii la gaaray 2015-kii 2017-kii iyo qodobo kale”.

Ugu dambeyn muddooyinkii ugu dambeeyey ayaa waxaa soo taagnaa khilaafka dhanka waxbarashada iyo bixinta Shahaadooyinka dugsiga sare ee u dhaxeeyo dowlad gobaleedka Puntland iyo wasaaradda waxbarasha Hidaha iyo Tacliita sare ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana xusid mudan in dhawaan wasiirka wasaaradda waxabarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre uu sheegay in dowlad gobaleedkii aan galin imtixaanka federaalka ama aysan korjoogto ka noqon uusan shahaado ku laheen wasaaradda.

Goobjoog News