U bood dhigaalka

Puntland oo Noqotay Maamulkii 3-aad oo Soo Gabagabeeya Doorashada Golaha Shacabka.

Sheeko:Baarlamaanka

Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa uu noqday maamulkii sedexaad ee soo gabagabeeyey doorashada golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya , waxaana lagu soo idleeyey magalada Garowe doorashada  6-dii kursi ee ugu  dambaysay xildhibaannada deegaannada maamulkaas ku matalaya golaha shacabka federalka Soomaaliya.

1:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#221 ayaa waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Cabdirisaaq Xasan Axmed iyo Cali Maxamed Axmed Cali, waxaana bilaabashada kahor doorashada kursiga tartankiisa isaga haray oo tanaasulay Maxamed Axmed Cali, waxaana codad gacantaag ah oo 99 ah kusoo baxay xildhibaan Cabdirisaaq Xasan Axmed oo ku guuleystay.

2:Kursiga tirsigiisu yahay  HOP#129 ayaa waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Sacdiyo Cabdullaahi Salaad, waxaana doorashada kahor ka tanaasushay tartanka kursiga loogu jiray musharrax Sacdiyo Cabdullaahi Salaad, waxaana codad gacantaag ah oo 99 ah ku soo baxday xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

3:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#198 ayaa waxaa ku tartamay musharraxiinnta kala ah Cisman Cali Yuusuf Cali iyo Cabdiraxmaan Ciise Maxamed, waxaana ka hor doorashada tartanka kursiga isaga haray musharrax Cabdiraxmaan Ciise Maxamed, waxaana codad gacantaag ah oo 97 ah kusoo baxay xildhibaan Cisman Cali Yuusuf Cali oo ku guulaystay.

4:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#199 ayaa waxaa ku  tartamay musharraxiinta kala ah Cabdiladiif Muuse Nuur iyo Luul Abshir Diiriye, waxaa doorashada ka hor isaga tanaasulay tartankii kursiga musharrax Luul Diiriye Abshir, waxaana codad gacantaag ah 98 kusoo baxay guddomiyaha  gobolka Mudug xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur oo ku guulaystay kursiga.

5:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#073 ayaa ku tartamay musharraxiinta kala ah ENG Maxamed Cabdullaahi Kayse iyo Cali Maxamed Axmed, waxaana tartanka kursiga isaga harat doorashada ka hor musharrax Cali Maxamed Axmed, waxaana codad gacantaag ah oo 101 ah kusoo baxay xildhibaan ENG Maxamed Cabdullaahi Kayse oo ku guuleystay kursigaan.

6: Kursiga tirsigiisu yahay  HOP#191 ayaa waxaa ku tartami doonaa musharraxiinta kala ah ENG Cabdullaahi maxamed jaamac iyo Maxamed Cabdixamiid Hilowle, waxaa doorashada ka hor kursiga isaga tanaasulay musharrax Maxamed Cabdixamiid Hilowle, waxaana codad gacantaag ah oo 99 kusoo baxay xildhibaan ENG Cabdullaahi maxamed jaamac.

Goobjoog News