U bood dhigaalka

Puntland Oo Soo Dhaweysay Doorashada Kuraasta Ceelwaaq

Sheeko:Baarlamaanka

Maamulka Puntland ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay ee soo dhaweeyay doorashada 16-ka kursi ee gobalka Gedo ee lagu qabtay magaalada Ceelwaaq.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deno oo ah mushar xilka madaxweynanimada Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay doorashada guddiga SEIT Jubbaland ay ku qabteen magaalada Ceelwaaq.

“Waxaan hambalyeeynaya Doorashada 16-ka Kursi ee Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS ee maanta lagu soo gebageeyay magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, waxaan u rajeynaya xildhibaanada cusub in alle u fududeeyo masuuliyadda loo doortay”, ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook madaxweynaha Puntland.
Saciid Deni ayaa sidoo kale ku bogaadiyay howsha doorashada ay wadaan guddiga FEIT iyo SEIT ee Jubbaland.
“Sidoo kale waxaan boggaadinaya Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Jubaland iyo Dowladda Jubaland, oo wakhti badan iyo dadaal ku bixiyey sidii loo soo gebagebeeyn lahaa Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS ee deegaan Doorashadoodu tahay Gobolka Gedo”, ayuu markale yiri madaxweynaha Puntland.
Goobjoog News