U bood dhigaalka

Puntland oo Warsaxaafadeed Ka Soo Saartay Xaaladda Doorasho ee Dalka, Kuna Baaqday in Lagu Laabto Teendhada

Sheeko:Baarlamaanka

Maamulka Puntland ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray xaaladda doorasho ee dalka ka dib markii muddo kordhin loo sameeyay hey’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa yana puntland dalbatay in dib loogu noqdo wadahadalladii doorashada ee Afisyooni.

Puntland ayaa ku hanjabtay inay qaadi doonto tallaabooyin waa weyn haddii aan dib loo bilaabin wadahadalladii doorashada iyo heshiiskii 17-kii Sebtember.

Halkaan Ka Akhriso Warsaxaafadeedka ay soo saartay Puntland

1: Maamulka Puntland ee Soomaaliyeed ma aqoonsana tilaabaadii sharci darrada ahayd ee Golaha Shacabka Federaalka ee 10_aad ee muddo xileedkoodii dhammaaday ku meel mariyeen waxay ugu yeereen xeerka jiheynta doorashada iyo muddo kororsiga hay’adaha Federaalka ee dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

2- Puntland waxay caddeynaysaa in heshiiskii 17 September 2020 uu yahay hannaanka kaliya ee heshiiska lagu yahay si loo qabto doorashada Federaalka, iyadoo la xalinayo caqabadaha hortaagan fulinta heshiiskaas si loo gaaro doorasho si nabad ah, wada oggolna ah ku dhacda.

3- Puntland waxay ugu baaqeysaa Saxiixayaashii heshiiskii 17 September 2020, Saamileyda Siyaasadeed iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee daneeya hormarka siyaasadda Soomaaliya in miiska wada hadalka lagu soo noqdo sida ugu dhaqsaha badan si loo soo afjaro xaaladda hubanti la’aanta dowladeed, loogana hortago khal khal amni iyo burbur dowladnimo

4- Haddii ay dhici weydo in dib loogu soo laabto miiska wada hadalka, Dowladda Puntland, iyadoo ka duuleysa go’aanadii shirweynaha Puntland ee 17 March 2020, waxay Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba la wadaagi doontaa tillaabada ku haboon ee la qaadi karo si loo badbaadiyo masiirka dowladnimo dhiska Somaaliya iyo danaha gaar ahaaneed ee Dowladda iyo ShacabkaPuntland.

5- Puntland waxay dadka Soomaaliyeed ugu yeeraysaa in la illaaliyo midnimada, wadajirka, lana badbaadiyo mabaadiida geeddi socodka dowladnimo dhiska Soomaaliya ee ku dhisan hannaanka federaalka ah iyo dimuqraadiyadda.

6- Puntland waxay ugu baaqaysaa Shacabka Puntland in ay illaaliyaan midnimadooda dastuuriga ah, amniga iyo xasiloonida Puntland. Dowladda Puntland waxay tillaabo sharciga waafaqsan ka qaadeysaa cid kasta oo isku deyda in ay xasilooni darro ka abuurto Puntland.

7- Puntland waxay soo dhaweynaysaa cid kasta oo ka qeyb qaadaneysa xal u helista xaaladda cakiran ee ka jirta Soomaaliya.

No photo description available.

May be an image of text

May be an image of text

Goobjoog News