U bood dhigaalka

Qaar Kamid ah Arday Jaamacadaha oo Muqdisho Tababar Loogu Soo Xiray

Sheeko:Waxbarashada
Ku-simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Gudoomiye ku xigeenka Maamulka & Maaliyadda; Mudane Ciise Mahamuud Guure ayaa u soo xiray tababar loo qabtay qaar ka mid ah arday dhigata jaamacadaha ku yaala Gobolka Banaadir oo ka dhacay xarunta dhallinyarada Gobolka Banaadir.
Tababarkan oo ku saabsanaa aqoon la xiriirta dacwadaha madaniga ah iyo awoodda maxkamadda heerka koowaad (Degmada & Gobolka), ayaa waxa uu qeyb ka ahaa aqoon – kororsi bishii har mar lagu qabto Xarunta Dhallinyarada ee Gobolka Banaadir.
Ku – simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu dhalinyaradii Siminaarka u dhamaaday u sheegay in Maamulka Gobolka uu rabo in dhallinyarada iyo hogaanka sare ee Gobolka Banaadir ay isku xirnaadaan, xarunta dhallinyaradana ay noqoto buundadii isku xireysay labada dhinac.
Ugu danbayntii ku – simaha duqa magaalada; mudane Ciise Guure waxa uu bogaadiyey dadaalka iyo waxqabadka Gudoomiyaha dhallinyarada, sidoo kale waxa uu kula dar – daarmay dhallinyarada qaadanaysay aqoon – kororsiga in ay tusaale ( role model) u noqdaan dhallinyarada ku nool magaalo – madaxda qaranka Soomaaliyeed maadaama ay fursad u heleen in ay wax bartaan.
Goobjoog News