U bood dhigaalka

Qaar Kamid Golaha Wasiirrada Kenya oo Lagu Dhawaaqay iyo Aadan Barre Ducaale oo Ku Jira

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha wadanka Kenya William Ruto oo goordhow oo maanta ah ku dhawaaqay qaar kamid ah golahiisa wasiirrada cusub, waxaana ilaa iyo  hadda uu soo magacaabay wasaaradaha muhiimka ah, kuwaas oo loo dhiibay siyaasiyiin siweyn looga yaqaano bulshada iyo gudaha Kenya.

Xidhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa madaxweyne Ruto u magacaabay wasiirka gaashaandhigga Kenya, isaga oo horey usoo noqday afhayeenka Baarlamaanka dalkaas, halka ninka lagu magacaabo Alfred Mutua uu ka noqonayo wasiirka arrimaha dibedda, sida ay sheegtay warbaahinta Kenya.

Xubnaha kale ee golaha wasiirrada lagu dhawaaqay ayaa waxaa ku jira Moses Kuria oo noqonaya wasiirka ganacsiga iyo waarshadaha, iyo Kithure Kindiki oo noqonaya wasiirka arrimaha gudaha dalkaas, madaxweynaha ayaa dadka uu soo magacaabay ayaa qeyb ka ahaa ololihiisa.

Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale magacaabay Musalia Mudavadi oo ka mid ah hoggaamiyayaasha axsaabta isbahaysiga la lahaa madaxweynaha inuu noqdo Xoghayaha Koowaad ee golaha Wasiirrada, madaxweyne Ruto ayaa waxaa lagu wadaa inuu soo dhameystiro golaha wasiirrada.

Goobjoog News