U bood dhigaalka

Qaraarka Baarlamaanka ee Hiigisiga 2016ka oo Ku Taliyay in Xildhibaanada 2016-ka aaney qeyb ka noqon  Dadka  Isu Sharaxaya Jago Qaran

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa Maanta Xildhibaanada loo qeybiyay qaraar la sheegay in uu ka dhashay doodihii dheeraa ee baarlamaanka ka yeeshay arimaha hiigisiga 2016-ka.

Baarlamaanka waxaa uu qaraarkiisa ku sheegay in talo kasta oo laysla meel dhigo waa in ay waafaqsan tahay shuruudaha hoos ku qoran

Ineysan wax u dhimin midnidamada qaran iyo waajibaadka shacabka Soomaaliyeed

Ineysan keenin xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amni oo dalka u horseedi karta colaad cusub.

Waa in iney waafaqsan tahay dastuurka JFS.

Si loo ilaaliyo xuquuqda iyo sinaanta ka qeybgalka siyaasadeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, loogana fogaado in dantagaarka ahi kumilanto danta caamka ah, talooyinka go’aan qaadashada ah ee baarlamaanka 10aad JF Soomaliyeed ku imaanaya qeyb kama noqon karaan dad u sharaxan jagooyin qaran.

Maadaama uu baarlamaanka 9aad waajibkiisa ay ka mid tahay dib u eegista dastuurka JFS sida ku cad dastruurka dalka qodobka 136aad fiqradiisa 1aad.

Golaha shacabka Soomaaliyeed waxay u soo jeedinayaan Guddoomiyaha golaha shacabka ee JF Soomaaliyeed in uu si hortabin leh u soo gudbiyo shin tiriska dib u eegista dastuurka si waafaqsan qodobkan.