U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Turkiga, Qatar iyo Dalal Kale Oo Cambaareeyay Weerarkii Dekadda.

Sheeko:Caalamka

Michael Keating oo ah ergeyga xogheyaha guud ee qaramada midoobey ayaa sheegay in ay ka xun yihiin khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Muqdisho isagoo intaa raaciyay in dadka qaraxaasi geystay aaney raali ka aheyn doorashada ka socota Soomaaliya.

Wasaaradda arimaha dibadda Qatar ayaa soo saartay warbixin ay ku dhaleeceyneyso qaraxii shalay, sheegtana in ay ka hor imaaneyso banii’aadnimada, Qatar waxaa ay ballan-qaaday in ay taageereyso dowladda Soomaaliya sidii dib loogu soo celin lahaa xasiloonida iyo kala dambeynta.

Dhinaca kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa axaddii dhaleeceysa weerarka ka dhacay Muqdisho, Ankara waxaa ay balla-qaaday in ay sii wadeyso in Soomaaliya ay ka taageerto dib u dhiska iyo soo celinta xasiloonida dalka.

in ka badan 29 qof ayaa ku dhimatay halka 23 ka badan ay ku dhaawacmeen qarax gaari oo ka dhacay afaafka hore ee dekadda Muqdisho.

Goobjoog News