U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey Oo Diiday Qaraar Ka Dhan Ah Xamaas

Diseembar 7, 2018

Jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa ayaa iska diiday qaraar uu hormuud ka ahaa Mareykanka kaas oo lagu hor istaagayey sawaariikhda ay Xamaas u rido dhanka Isr’ail.

Cod loo qaaday waxaa tageeray 87 halka ay diideen 57, waxaana ka aamusay 33, sidaasi ayaana lagu diiday qaraarka, waxaa laga rabay aqlabaiyadda saddex meel.

Safiirka Israa’il u fadhiya qaramada midoobey Danny Danon  ayaa sheegay in qorshaha la afduubey halka xarakada Xasaas ay ku tilmaantay mid dharbaaxo ku ah maamulka Trump.

Goobjoog News