U bood dhigaalka

Qaramada midoobey oo musuq ku eedeysay madax ka tirsan dowladda Soomaaliya

Sheeko:War
Hassan Sheikh Mohamud, President of Somalia, addresses the 68th United Nations General Assembly at U.N. headquarters in New York
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Kooxda la socodka cuna qabateynta saaran dalalka Soomaaliya iyo Eretria ayaa sheegay in musuq maasuq baahsan uu ka taagan yahay hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Warbixin kooxdan ay soo saartay ayay ku sheegtay in hantida dowladdu ay hesho loo isticmaalay dana shaqsiyadeed. Warbixintan ayaa si gooni ah loogu tilmaamay madaxda ugu saraysa dalka oo uu ka mid yahay madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud.

Guddiga dusha kala socda u hogaansanaanta xannibaadaha ay QM saartay Soomaaliya, ayaa madaxweyne Xasan Sheekh, Fowsiya Yuusuf iyo shirkad Mareykan ah ku eedeeyey shir qool hantida Soomaaliya ee dibedaha ku xayiran, si shaqsi ahaaneed loogu weecinayo.

Warbixinta oo looga hadlay 8 qof, ayaa arrintan shaaca looga qaaday natiijadii kasoo baxday baaritaan ay sammeysay oo loo gudbiyay golaha ammaanka ee QM. UN Monitoring Group waxa ay sheegtay in xogta ay soo uruurisay illaa iyo hadda ay muujineyso in hanta qaran la doonayey in loo adeegsado si shaqsi ah.

Waxa ay kooxdan sheegtay in shirqoolka ay ku lug leeyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh, Shirkadda Mareykanka ee Shulman Rogers iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo laba qof oo kale oo ay sheegtay inay u kala dab qaadayeen Shulman iyo dowladda Soomaaliya.

Dhammaan dhinacyada lagu eedeeyey warbixinta waa ay beeniyeen, waxaana ay sheegeen in ninka madaxda ka ah Monitoring Group ee Jarat Chopra uu warbixinno been ah faafinayo. Fowsiya Yuusuf, oo iminka ah xildhibaan, waxa ay sheegtay inaysan marnaba wax faa’ido ah ka raadin Shulman Rogers, islamarkaana aysan cadaadin madaxii hore ee Bankiga Soomaaliya oo arrimaha qaar laga xigtay. “Shaqadeyda wasiir arrime dibadeed waxa ay ahayd inaan magaca Soomaaliya wanaajiyo, ee ma ahayn inaan dhaawco” ayay tiri Fowsiya.

Sidoo kale Shulman Rogers, ayaa si xooggan u beenisay eedeymaha, waxaana ay sheegtay in shaqadii ay u qabatay Soomaaliya ay ahayd mid loogu daneenayo dadweynaha Soomaaliyeed. Jeremy Schulman oo ka tirsan Shulman Rogers, ayaa ku eedeeyey Jarat Chopra inuu isku haleeyo ilo-wareedyo aan la aamini karin, oo beel gaar ah oo Soomaaliyeed u dhashay.

Wararka Goobjoog news