U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhashay Xatooyo Shidaal oo Sababay Khasaare Kale Duwan

Sheeko:Caalamka

Qarax ka dhashay xatooyo Shidaal dalka Nigeria ayaa sababay geerida 12 ruux, kadib markii ay qaraxday Dhuun Shidaal oo ku taalla magaalo dhacda Koonfurta dalkaasi.

Qaraxa ayaa yimid sida laga soo xigtay Booliiska, kadib markii koox burcad ah ay isku dayeen in ay xadaan Shidaal, dhuun ku talla  Degaanka Niger Delta ee shidaalka lagu sifeeyo..

Deegaanka ayaa inta badan waxaa ka dhaca qaraxyada dhuumaha shidaalku waxaana ka dambeeya kooxo dambiilayaal ah oo Shidaalka xada haddana dib u sifeeya si aan sharci aheyn.

Arrinta ayaa dhaawaxc  dhibaato dhaqaale ah geysata,  sidoo kalena keenta dhibaatooyin dhinaca degeenka ah, koox  bulshada rayidka ah ayaa sheegay in tirada dhimatay ay sii badan karaan.

Goobjoog News