U bood dhigaalka

Qarax Khasaaro Dhaliyey oo Ka Dhacay Dalka Afgaanistaan

Sheeko:Caalamka

Qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay magaalada Kabul ee caasimadda u ah dalka Afghanistan, kaas oo  la dhigay waddada dhinaceeda, gaariga ayaa ahaa nuuca xamuulka ah sida la wariyey.

Qaraxa ayaa waxaa sababay khasaare, Inta la xaqiijay ilaa 5 ruux ayaa geeriyootay oo ku jiro dhaqtar ka shaqeeynayey xabsi ku yaalla Kabul, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 ruux, oo badan dad  shacab ah

Afhayeenka taliyaha Booliiska Kabul gabadha lagu magacaabao Ferdaws Faramarz oo la hadasahay warbaahinta ayaa sheegtay in qaariga qarxay uusan laheyn wax calaamad ah oo lagu aqoonsado ama Taargo la diiwaan geliyey.

Ma jirto cid  sheegatay mas’uuliyadda  qaraxa dhacay dhacay, oo waxyeelladu ay kasoo gaartay dadka shacabka ah ee Kabul, Daacish ayaa muddooyinkii ugu dambeysay waxaa ay sheegatay mas’uuliyadda qaraxyo ka dhacay  Kabul.

Goobjoog New