U bood dhigaalka

Qaraxyo Khasaaro Dhaliyay oo Ka Dhacay Magaalada Jerusalem Ee Dhulka Reer Falastin

Sheeko:Caalamka

Qaraxyo isxigxigay ayaa maanta ka dhacay Boosteejo basaska laga raaco magaalada Jerusalem ee daanta galbeed ee dhulka reer Falastiin ee Yuhuuddu degan tahay, qaraxyada ayaa waxaa wax ku noqday ilaa 15 ruux sida laga soo xigtay laamaha amniga iyo isbitaallada lagula tacaalayo.

Dadka wax ku noqday qaraxyada ayaa waxaa laba kamd ah ay xaaladdoodu tahay mid aad u adag marka laga tixraaxo sida ay baahiyeen Booliiska Israel, Sawir qaade ka tirsan wakaalada wararka ee AFP oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in qaraxu uu dalool ka galay dayr bir ah oo ka danbeyay boosteejada.

Bambaanooyinka ayaa lagu weeraray laba boosteejo oo basaska laga raaco oo masaafo yar u jirta duleedka magaalada Qudus waxaana maalmihii dambe soo badanayay rabshada ka dhacaya dhulka la heysto ee daanta Galbeed, ciidamada Yuhuudda ayaa marar badan bartimaameedsay shacabka Falastiin.

Laamaha amniga iyo ilaa iyo hadda kama hadal cidda ka dambeysay weerarrada lagu qaaday Boosteejoojinka laga raaco gawaarida, halkaas oo laba Bambaano, kuwaas oo ita la xaqiijiyay ay ku dhaawacmeen 15 ruux, waxaana lasoo warinayaa in laba dhaawacyadaas kamid ah ay xaaladdoodu adag tahay.

Goobjoog News