Qasnadda Dowladda oo Maran, Maxaa u Sabab ah Qarash La’aanta ?

Wasiir FargeetiShalay golaha wasiiradda waxaa la horgeeyey warbixin ka hadlay isdhimis weyn oo ku timid miisaaniyaddii 2015-ka kadib markii sida uu wasiirka maaliyadda Mudane Fargeeti uu sheegey in kaalmadii laga filayay beesha caalamka intiisa kale la waayay.

Waxa kale oo uu sheegey in maadaamaa miisaaniyadda lagu saleeyey %50 dakhliga gudaha in ay tahay in la beeqaamiyo, islamarkaasina hoos loo dhigo qarashaadkii horey loo qoondeeyey in lagu isticmaalo hawlaha dowladda.

Wasiirka oo sii hadlay waxa uu sheegey in loo baahanyahay in xukuumadda ay fuliso adeegyada asaasiga ee bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo nadaafadda.

Waxaa kale oo xalka wasiirka u hayo kabista miisaaniyadda ka mid ah in kor loo qaado uruurinta canshuuraha, gaar ahaan canshuuraha laga qaado shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Isla shalay marka golaha wasiirada ay arrinkaasi ka wadahadlayaan waxaa siminaar 10 cisho ah loo furey shaqaalaha uruurinta canshuuraha gobolka Banaadir, kuwaasi oo isugu jira kuwii hore iyo kuwa cusub.

Arrintani isdhinka ku yimid miisaaniyadda iyo kaalmadii dibada ee la waayay waa arrin walwalkeeda leh, muujineysana caqabad cusub oo soo foodsaartay golaha wasiiradda, iyada oo horey ay u jirtey in xukuumadda ay wax ka qaban weysey bixinta adeegyada asaasiga ah.

Miisaaniyadda 2015-ka waxa ay dhantahay $200 malyuun oo doolar, illaa boqolkiiba $80 waxa lacagtaasi lagu isticmaalayaa qarashaadka dowladda sida mushaaraadka shaqaalaha dowladda, shidaalka gaadiidka dowladda iyo waxyaabaha kale ee tasiilaadka ah.

Meelaha uu dowladda kasoo galo dakhliga waxaa ka mid ah dekada magaalada Muqdisho, taasi oo shirkadda gacanta ku heysa ee Al-Beyrak ay mar sheegtey in bishii ay kasoo xarooto wax ka badan boqol malyuun oo doolar, taasi oo micnaheedu yahay in kala bar miisaaniyadda ay dowladda dajisatay ay dekada oo kaliya kasoo xaroon karto, inta soo hartayna laga heli karo canshuuraadka bariga iyo shirkadaha waaweyn.

Hase yeeshee waxaanan wali jirin nidaam canshuuro uruurin oo rasmi ah oo ay dowladda hirgalisey, waxaa kale oo isku dhex yaac ka jiraa cidda canshuurta uruurineysa iyo meesha ay ku dhacayso.

Sida uu hadda xaalka yahay waxaa jira dhawr laamood oo dowladda oo aanan kala amar qaadanin oo mid kasta gaarkeeda canshuur u uruurisa, taasi oo ay yartahay waxa ku dhaca qasnadda dhexe ee dowladda.

Waxyaabaha koowaad oo ay tahay in ay dowladda saxdo ayaa ah in ay caadiyeyso uruurinta canshuuraha, samaysana hal qasnad oo wasaaradda maaliyaddu xukumeyso oo ay ku dhacdo, taasi oo shilin kasta la ogyahay halka lagu isticmaalay.

Dhawaan guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari oo hadlay ayaa xukuumadda ka codsaday in ay soo daabacdo shilinka Soomaaliga, taasi oo dowladda awood u siin lahaa in ay gacanta ku dhigto maamulka dhaqaalaha dalka, kana soo xaroon lahaa dakhli badan.

Haddii shilin Soomaaliga cusub lasoo daaboco waxaa dowladda ay yeelan lahayd awood ay ku jaangoyso sarifka lacagaha, sicirka badeecooyinka, iyo in bangiga dhexe uu si habboon u shaqo galo, ganacsatada oo dhana ay ku qasbanaadaan in ay lacagahooda marsadaan bangiga dhexe.

Laakiin inta aanba waxaasi oo dhan la gaarin ayaa waxaa farta lagu fiiqayaa in lacagta yar oo hadda dowladda soo gasha si qaldan loo isticmaalayo, gaar ahaan ololeyaal siyaasadeed sida dadka qaar ay dowladda ku eedeynayaan.

Cabdicasiis Gurbiye oo ah falanqeeye ka tirsan Goobjoog oo aan wax ka weeydiiney sababta laga yaabo in beesha caalamka ay u joojisey lacagtii ay ku kabi jirtey miisaaniyadda ayaa yiri “Waxaa laga yaabaa in kaalmada caalamka ay soo daahdey, lama dhihi karo waa la jartay, laakiin waxaan qirayaa in ay jirto kalsooni daro sii kordheysa oo beesha caalamka ay ku qabto dowladda federaalka iyo sida ay u maamusho maaliyadda dalka, gaar ahaan dakhliga gudaha”.

Wuxuuse Gurbiye qabaa in dhismaha kalsoonida beesha caalamka ay ka muhiimsantahay dhismaha kalsoonida ay shacabka ku qabaan dowladda, taasina kaliya lagu heli karo in dowladda ay si hufnaan ah u maamusho dakhliga gudaha, islamarkaasina la kordhiyo uruurinta canshuuraha, taasi oo looga maarmi karo kaalmadda dibadda.

“Bal malee iyada oo aanan la’isla gaarin fulinta adeegyadii bulshada ee looga fadhiyey, ayaa waxa ay dowladda hadda la’dahay qarashkii ay ku bixin lahayd mushaaraadka shaqaalaha iyo qarashaadka kale oo ah waxa lagu saleeyey %80 miisaaniyadda hadda noo degen” ayuu intaasi raaciyey Gurbiye.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW