Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa looga hadlay doorashooyinka dalka, gaar ahaan kuwa golaha deegaanka ee bishan ka qabsoomi doona caasimadda, iyada oo goluhu meel-mariyey shuruuc iyo xeerar muhiim u ah dalka.