Dowladda Iran ayaa hawada sare u dirtay dayax gacmeed cusub oo cilmi baaris ah, kaas oo ku duulaya wareeg jawiyeedka orbit-ka, warbaahinta dowladda ayaana sheegtay in tallaabadani ay tahay mid lagu hormarinayo barnaamijkeeda hawada, ayadoo aan dheg jalaq u siinayn dhaleeceynta iyo diidmada dalalka reer galbeedka.