Hoggaamiyaha fallaagada RSF ee dalka Suudaan oo masar ku eedeeyay duqeymo lala beegsaday goobo ay ciimadiisu ku sugnaayeen
Sheeko:Wararka Caalamka
Hoggaamiyaha fallaagada RSF ee dagaalka kula jirta ciidamada dowladda Suudaan Mohamed Hamdan Dagalo, ayaa Masar ku eedeeyay inay ku lug leedahay duqaymo xagga cirka ah oo lala beegsaday ciidamadiisa.
Janaraal Dagalo ayaa sidoo kale ku eedeeyay Qaahira in ay ciidamada Suudaan tababarto oo ay siiso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka, kuwaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay sabab u noqday inay ciidamada dowladdu ku gacan sarreeyaan colaadda dalka ragaadisay ku dhawaad 18 bilood.
Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa bayaan ay soo saartay ku beenisay eedeymaha mohamed Hamdan Dagalo ee la xiriira ka qeyb qaadashada diyaaradaha Masar ee dagaalka ka socda Suudaan.