Wasiirka Batroolka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, oo ay wehliyeen Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), xildhibaanno, odayaal dhaqameed, iyo saraakiil ciidan ayaa maanta ku guuleystay in ciidamada amniga si buuxda ula wareegaan xarumaha dowladda iyo maamulka ee ku yaalla xerada Lamagalaay ee Beledweyne.