Mucaaradka Suuriya oo ku dhawaaqay inay xukunka ka tuureen Bishaar Al-assad. Wararka imaanaya magaalo madaxda dalka Suuriya ee Dimishiq ayaa sheegay in xoogagga mucaaradka ay la wareegeen xurumaha dowladda iyo garoonka diyaaradaha, islamarkaana aan la garanayn meel uu jaan iyo cirib dhigay Bishaar Al-assad oo taniyo sanadkii 2000-dii xukunka hayay. 1 daqiiqo
1 daqiiqo Militariga Suuriya oo ka baxay xarunta wasaaradda gaashaandhigga ee maagalada Dimishiq Sida laga soo xigtay Ilo wareedyo ka ag dhow mucaaradka hubeysan ee dalka Suuriya saraakiisha militariga ee maamulka Bishaar Al-assad ayaa isaga baxay xarunta wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidank guud ee magaalada Dimishiq.
2 daqiiqo Doon Shiinees ah iyo Shaqaallihii saarnaa oo Lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya Mas’uuliyiinta Puntland ayaa xaqiijiyay in doon laga leeyahay dalka Shiinaha oo ay saarnaayeen 18 shaqaale ah ay soo afduubteen kooxaha Burcad-badeedda Soomaalida.
2 daqiiqo Xaaladda dalka Suuriya oo faraha ka sii baxaysa iyo mucaaradka oo kaabiga ku haya caasimadda ah Dimishiq Xoogagga mucaaradka Suuriya ayaa maalmihii la soo dhaafay guulo iyo hormar baaxad leh ka samaynayay dagaalka ay kula jiraan militariga dalkaas, ayagoo qabsaday inta badan magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan kuwa ku yaalla waqooyiga, bariga iyo bartamaha.
1 daqiiqo Ruushka oo sheegay inuusan hayn qorshe uu ku difaaco madaxweynaha Suuriya Sida ay qortay shabakadda Bloomberg oo soo xiganaya ilo ku dhow aqalka Kremlin-ka, Ruushku ayaa sheegay inaanu hayn qorshe uu ku badbaadinayo madaxweynaha Suuriya BishaarAssad oo hadda wajahaya guluf xooggan oo kamida imaanaya jabhadaha hubaysan.
1 daqiiqo Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ka qeyb-galay munaasabad tababar loogu xirayay cutubyo ka tirsan daraawiishta Booliska Saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa dalka Jabuuti ugu qeyb-galay munaasabad tababar loogu soo xirayay cutubyo Ka mid noqan doona daraawiishta ciidanka booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo muddo tababar ugu socday dalka Jabuuti.
2 daqiiqo Dowladda Soomaaliya oo Ethiopia ku eedeysay faragelinta iyo iska horkeenida beelaha Gobolka Gedo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay tallaabooyinka faragelinta ah ee Ethiopia ka waddo Gobolka Gedo, kuwaas oo lagu tilmaamay inay yihiin isku-dayo lagu kala fogeynayo bulshada ku nool gobolkaas, taasoo wiiqeysa midnimada iyo qaranimada Soomaaliya
2 daqiiqo DFS oo fududeysay dib usoo celinta 161 dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo laga soo celiyay dalka Liibiya Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa ku guuleysatay fududeynta in 161 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xayiranaa dalka Libiya si iskood ah dalkooda loogu soo celiyo, iyadoo loo marayo barnaamijka Is-xilqaan ee Bani’aadantinimada (VHR).
1 daqiiqo Madaxweyne Muuse Biixi oo ku baaqay in aan Xukuumadda cusub Mucaaradnimo lagu bilaabin Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa taageerayaasha xisbiga Kulmiye ugu baaqay inay u hoggaansamaan hab-dhaqanka dimuqraadiyadda, isla markaana aanay hore ka mucaaradin xukuumadda cusub ee xisbiga Waddani, oo ku guuleystay doorashadii Madaxtinimada ee 13-kii November ka dhacday Somaliland.
1 daqiiqo Milateriga Suuriya oo la wareegay maamulka qeybo kamid magalada Xamaa Wakaaladda rasmiga ah ee Suuriya (SANA) ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay u suurtagashay inay la wareegaan amniga magaalada Xamaa.