Jubbaland oo amar kusoo rogtay musharixiinta ku sugan Kismaayo Jubbaland ayaa soo saartay amar cusub oo ku wajahan musharixiinta siyaasadeed ee ku sugan magaalada Kismaayo, waxaa la faray inay kaashadaan hay’adaha rasmiga ah ee amniga si loo sugo badqabka doorashada. 2 daqiiqo
1 daqiiqo Ugu yaraan 25 tahriibayaal ah oo ku dhintay xeebaha Comoros Ugu yaraan 25 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa ku dhintay xeebaha dalka Comoros ka dib markii ay la degtay doon ay saarnaayeen oo mareysay badweynta Hindiya, gaar ahaan meel u dhow Comoros, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.
1 daqiiqo Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiir ku xigeen iyo wasiir dowle Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Mudane Cabdirashiid Maxamed Ducaale inuu noqdo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, kadib markii shalay uu iscasilay Wasiir Ku-xigeenka hore, Mudane Axmed Daqare.
1 daqiiqo Israa’iil oo xariirka u jartay hay’adda Qaramada midoobe u qaabilsan qaxootiga falastiin Wasaaradda arrimaha dibadda ee maamulka Israa’iil ayaa Qaramada Midoobay ku wargalisay warqad rasmi ah oo ay ku doonayso inay u jarto xariirka ay la leedahay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNRWA.
1 daqiiqo Ugu yaraan 14 qof oo ju geeriyootay biriq ku dhacday Kaniisad ku taalla dalka Uganda 14 qof ayaa ku dhintay, halka 34 kalena ay ku dhaawacmeen ka dib markii biriqi ay ku dhacday kaniisad ku taal degmada Lamwo ee waqooyiga dalka Uganda, sida ay booliisku sheegeen
1 daqiiqo Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay nin ku eedeysan dilka Qoys Soomaaliyeed Dambi baarayaasha Kenya ayaa maanta ku guuleystay qabashada Hashim Dagane Muhumed kadib baaritaan dheer oo ku saabsan dilalka naxdinta leh ee loo geystay hooyo, gabadheeda, iyo gabadh ay habar u ahayd oo 12-jir ahayd.
1 daqiiqo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada oo iscasilay Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare ayaa maanta si lama filaan ah isaga casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Federaalka Soomaaliya isagoo ahaa Wasiir Kuxigeenka Waxbarashada.
1 daqiiqo Wasiiru dawle ka tirsan Xukuumadda DanQaran oo iscasilay Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Qorsheynta, C/rashiid Jire, oo ka soo jeeda Jubbaland, ayaa si rasmi ah ugu gudbiyay istiqaaladiisa Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, isaga oo iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda.
1 daqiiqo Hoobiyeyaal ku dhacay gudaha xerada Xalane Weerar hoobiyeyaal ah ayaa ka dhacay agagaarka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho sida ay Goobjoog u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo
2 daqiiqo Guddoomiyaha golaha shacabka ahna kusimaha madaxweynaha oo ka qeyb-galay munaasabad xarigga looga jarayay xarunta cusub ee ciidanka dhulka Guddoomiyaha golaha shacabka, ahna Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa ka qeyb-galay xarig ka jarka xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed.