U bood dhigaalka

QM Oo Soomaaliya Ugu Hambalyeysay Curashada Bisha Ramadan

Sheeko:Baarlamaanka

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa umadda Soomaaliyeed ugu Hambalyey Curashada Bisha Barakeysan ee Ramadan .

 

“Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, fadlan iga guddooma hambalyadeyda bil cibaado oo nabdoon, la isku naxariisto oo la daryeelo dadka kale,” ayuu yiri Ergayga QM James Swan.

James ayaa intaasi Hadalkiisa sii raaciyay “Bisha Ramadaan ee sanadkan ayaa bilatay iyadoo dadka Soomaaliyeed dib u billaabayaan soo celinta xiriirka ku qotoma qiyamka soojireenka ah ee wadajirka, isu-dulqaadashada, is-cafinta iyo dib-u-heshiisiinta, taas oo aan rajeynayno inay sidoo kale hagi doonto madaxda Soomaaliyeed. Waxaan rajaynayaa in waqtigan gaarka ah ee ka-fikirka xaaladaha uu idiin horseedo farxad iyo midnimo! Ramadaan kariim! Soon wanaagsan!”.