U bood dhigaalka

Qodob Ku Jiray War Murtiyeedka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Oo La Beeniyay

Sheeko:Baarlamaanka

Xubno ka tirsan baarlamaanka 10aad ee federaalka ah gaar ahaan Gudiga Baarlamaanka ee la socodka iyo korjoogteynta dib u eegista dastuurka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in guddigooda ay la shaqeeyaan xubnaha 6da ahaa ee matalayey dowlad goboleedyada.

Hadalkan waxaa uu meesha ka saarayaa, qoraal maanta ka soo baxay golaha dowlad goboleedyada oo shirkoodii Baydhabo ku sheegay in aanay shaqeyn xubnihii dowlad goboleedyadu u soo kala magacaabeen Gudiga Madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka iyo Gudiga Baarlamaanka ee la socodka iyo korjoogteynta dib u eegista dastuurka.

Qoraalka ayaa u qornaa sidan “2.9 Waxaa jira in aan wali la hawl galinin xubnihii dowlad goboleedyadu u soo kala magacaabeen Gudiga Madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka iyo Gudiga Baarlamaanka ee la socodka iyo korjoogteynta dib u eegista dastuurka. Sidaas darteed Goluhu waxuu si adag ugu wargalinyaa Wasaarada Dastuurka ee Dowlada federalka in aysan Gudiyada dastuurku bilaabin wax shaqo ah oo aysan kamid ahayn Xubnaha Dowlad Goboleedyadu.

Hadadaba waa kuwan liiska iyo magacyada dowlad goboleedyada ugu jira Gudiga Baarlamaanka ee la socodka iyo korjoogteynta dib u eegista dastuurka.

Goobjoog News