U bood dhigaalka

Qodobada uu Mursal Sheegay in Lagu Ceyriyey Kheyre

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha golaha sacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliy Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay in xukuumadda ra’iisalwasaare Xasan Cali Kheyre , ay ku guul dareysatay dhowr qodob oo horay ay u balan qaaday markii la soo dhisay, taasna ay sabab u tahay in maanta lagala noqday kalsoonida sida uu sheegay guddoomiyaha.

                                                  Halkaan Ka Akhriso qodobada 

Hannan cad Qof iyo cod ku saleysan 2020

Dhameystirka Federaalka iyo go’aanka caasimadda kahor doorashada

Afti u qaadista iyo meel marin dastuurka iyada oo lala tashanayo maamu goboleedyada

Diyaarinta ciidamo suga amniga doorashada

Hirgelinta nidaamka axsaabta siyaasadeed oo doorasho gala.

Goobjoog News