U bood dhigaalka

Qoor-Qoor Oo Kulmiyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Kulane Jiis

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxwaynaha  Galmudug Axmed Cabdi Kariye  Qoor-Qoor ayaa kulan la qaatay qaar kamida  ah  Xildhibaanadii dhawaan lagu so dortay  maagalada dhusamareeb ee casimada Galmudug .

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay xildhibaan Sadaq Cumar Xassan, Cabdullaahi Aadan Kulane iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur,  kulanka ayaa ahaa mid looga hadlay iscafin iyo dardaaran sida ay sheegtay madaxtooyada Galmudug.

“Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan ujeedkiisu ahaa iscafin iyo dardaaran la qaatay xubno ka mid ah Xildhibaanada la doortay oo ay ka mid ahaayeen Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane iyo Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan oo dhamaantood ku guuleystay Doorashada Xildhibaanada BFS ee dhawaan ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowladda Galmudug,”  ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Galmudug.
Kulanka ayaa noqonaya midkii ugu horeyay ee ay isugu yimadan siyaasiga mucaaradka  Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Kulane Jiis oo ah saraakiisha NISA ee sanadkan baarlamaanka.