U bood dhigaalka

Qoorqoor oo Dib Ugu Yeeray Xildhibaannada Laga soo Doortay Galmudug, Akhriso Ujeedka

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi  Kaariye Qoorqoor ayaa la sheegayaa in uu dib isugu yeeray xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee lagu soo doortay maamulkiisa, iyada oo la filayo inuu la yeesho kulamo kala duwan oo ay xaflado ku jiraan. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu kulamadan ugu gol leeyahay ololaha dib u doorashada ee madaxweynihii hore Farmaajo.

Qoorqoor ayaa tilaabadan qaaday kadib markii todobaadkan ay madaxweyneyaasha Puntland iyo Koonfur Galbeed  la hadleen  xildhibaannada laga soo doortay  maamuladooda,  iyaga oo ku kala duwanaa danaha ay ka lahaayeen.

Madaxweyne Deniga Puntland, waxaa uu goobta uga dhawaaqay inuu musharax u yahay doorashada madaxweynnimo ee Soomaaliya ee 2022-ka halka Laftagareen uu ku faanay hufnaan, dedejin doorasho, kula dardaarmay iney ka shaqeeyaan danta Soomaaliya iyo midda deegaankooda.

Qoorqoor oo aan isagu laheyn damac shakhsi ah oo xagga federaalka ah ayaa  ku jira mas’uuliyiinta weli daacadda u ah Farmaajo, isaga oo maamulkiisa ka fuliyey xulasho musuq badan oo kuraasta loo xiray shakhsiyaad gaar ah, taas oo baalmarsan dastuurka, heshiisyada,  daahfurnaanta, hufnaanta iyo xalaalnimada doorashada.

Goobjoog News