U bood dhigaalka

Qormo: Falanqeynta Is Qabqabsiga ka Taagan Maamulka Galmudug

Sheeko:War

Buuq ayaa ka taagan maalmahan magaalada Cadaado. Waxaa uu khilaaf-ka salka ku hayaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan wadamada Khaliijka arrintaasi waxaa ay saameysay sidoo kale madaxda sare ee maamul Goboleedka Galmudug.

Maxaa Illaa iyo hadda Dhacay?

Wadamo ay u horeeyaan Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Masar oo ay hogaaminayso dowladda Sucuudiga ayaa Shanta Juun ee sannadkaan xiriirka u jaray wadanka Qadar iyagoo ku eedeeyay in ay taageerto kooxo argagixiso ah xiriirna la leedahay dowladda Iiraan oo iyagu taageera jabhadda xuutiyiinta eeka dagaalanta wadanka Yemen.

Xulufada Sucuudiga waxay durbaba bilaabeen in ay soo shukaamiyaan kuna soo darsadaan xulufadooda wadamo kale oo tiro ahaan isi soo taray. Soomaaliya waxay durbaba qaatay siyaasad dhexdhexaad ah, taas oo keentay in xulufada Sucuudigu ay Soomaaliya cadaadis ku saaraan in ay iyaga lasoo safato.

Soomaaliya way ku adkaysatay in aysan lakala safanayn wadamada walaalaha ah ee Carabta, waxayna ku baaqday in ay ismaandhaafkooda ay ku dhamaystaan wada hadal. Hase ahaatee Sucuudiga iyo xulufadiisa ayaa cadaadiskii aay saarayeen dowladda Federaalka Soomaaliya sii kordhiyay.

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa 16ka Agoosto shaaciyay in ay Dowladda Federaalka ah ay agmareen, taageereenna Xulufada Sucuudiga.

Sucuudiga iyo xulufadiisa oo wali mowqifkooda ku adkaysanaya ayaa bilaabay in ay Dowlad Goboleedyada Soomaalida ay gooni gooni ula xiriireen kana dhaadhiciyaan in ay taageeraan mowqifkooda.

32 maalmood kadib markii Puntland ay mowqifkeeda ku dhawaaqday ayaa si dardari ka muuqato labada dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug muddo laba maalmood gudahooda iyaguna sheegeen in ay la safteen xulufada Sucuudiga, taariikhdu markay kala ahayd 17ka Sebtembar iyo 19ka Sebtembar, (warqadda kasoo baxday Galmudug waxay kasoo baxday oo ay ku saxiixnayd xafiiska Madaxweynaha). Laba maalmood kadib, 21da Sebtembar, waxaa go’aanka xafiiska madaxweynaha Galmudug kasoo horjeestay Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir. Shan maalmood kadib, 26da Septembar, koox xildhibaanno ah oo ku kulmay hoteel magaalada Cadaado ku yaalla ayaa sheegtay in kulan ay isku yimaadeen kalsoonidii ay kala laabteen madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle ( Xaaf). Madaxweyne Xaaf arintaan waa ku gacanseyray wuxuuna ku tilmaamay afgambi dhicisoobay.

Sida muuqata waxaa dhacay oo wali soconaya isjiidjiid u dhaxeeya Madaxweynaha Galmudug oo dhinac ah iyo Madaxweyne Ku Xigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxda Dowladda Fadaraalka oo dhinac ah. Dhinac kasta waxay galeen qalad hadaysan sixinna eey imaan karto in ugu roonaan lakala fogaado, ugu darnaanna uu dhiig daato.

Qaladka Madaxweynaha Galmudug

  1. Madaxweyne Xaaf iyo Maamul goboleedyada Sucuudiga iyo Xulafadiisa taageeray waxay agmareen dastuurta Soomaaliya, oo Cutubkiisa Shanaad ee Baahsanaanta Awoodda Xukuumadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu qorayo sidatan.
  2. Qdobka 54aad. Kala Qaybinta Awoodaha

­­Awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa ka wada xaajoon doona Xukuumadda Federaalka
iyo Dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya marka laga reebo: A) Arrimaha Dibadda; B) Difaaca Qaranka; C)Jinsiyadda iyo Socdaalka iyo D) Siyaasadda Lacagta, oo ay awooddeeda iyo mas’uuliyaddeeda yeelaneyso Xukuumadda Federaalka.

  1. Madaxweyne Xaaf isagoon la tashan madaxda kale ee Maamulka Galmudug ayuu go’aan kaligii qaatay, Imaaraadkana u socdaalay. Midaan oo keentay in khilaafkii u dhaxeeyay isaga iyo Madaxweyne ku Xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanku uusii balaarto.
  2. Wuxuu markuu arkay in ay kasoo horjeedaan, Madaxweyne Xaaf uu xabsi guri galiyay Gudoomiya iyo Madaxweyne ku Xigeenka, middaan oo halkii ay kala taagnaayeen sii kala fogeysay.
  3. Galmudug waxaa isugu darsantay dhowr dhibaato. Magaalada Cadaado waxay ku taallaa deegaan aysan badi u dhawayn, wabi aanan lahayn, adeegga laga isticmaalo intiisa badanna laga keeno Muqdisho. Galmudug waxaa wali ka jirta abaar aad u daba dheeraatay, barakacayaal u badan xoolo dhaqato xoolohoodii baaba’een ayaa magaalada daafaheeda iyo gudaheeda soo buuxdhaafiyeen, dad nafaqo darro hayso oo aad u ildaran iyo dad inta daaqsin raadin darteed dhul aysan deegaan ahaan kasoo jeedin xoolohoodii la galay, lala soo dagaalay, lana soo dhaawacay ayaa markasta magaalada la keenaa markii magaalada oo tabarteeda caafimaad ay liidato darteen wax laga qaban waayana waxaa loo qaadaa Muqdisho. Waxaa jirta arday waxbarasho Muqdisho u aadda, dad xanuun kadis ihi uu kusoo baxo oo daaweyn loo qaado, dad da’ah oo jilicsan oo safar gaari oo dheer aanan ka bixi karin. Intaas oo dhan iyadoo jirto ayuu Madaxweyne Xaaf, 27dii Sebtembar, joojiyay duulimaadyadii Muqdisho ka imaanayay.
  4. Hadalladiisa Madaxweyne Xaaf waxaa ka muuqata caadifad qabiileed iyo kicin beeleed, taas oo keeni karta in si kedis ah dagaal dhexda laga istaago.

Dowladda Federaalka Maxay ku qaldantahay?

  1. Dowladda Federaalka waxay si gardarro ah, dastuurkana dabamarsan ay qalalaase iyo faragalin uga waddaa Maamul Goboleed, laga rabay in ay arimahooda siyaasadeed ee hoose isaga dhex baxaan.
  2. Maamulka Galmudug oo ah caws baasiimeysan, maadaama uu ka kooban yahay beelo badan oo maamulkaan ka hor waxba aysan isugu darsanaan jirin, ahna beelo horay u dagaalami jiray, markii maamulka la dhisayayna laga cabsi qabay in khilaaf siyaasadeed iyo dagaal uu harayn karo ayeey Dowladda Federaalku tarrakh ka daba sidataa.
  3. Filla Soomaaliya waxay cadaadis saartay, kana dhaadhicisay in ay go’aankooda ku adkaystaan dhowr xildhibaan oo ku adkeysanaya in ay rideen Madaxweyne Xaaf.
  4. Wafdigii ka koobnaa labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka wuxuu wadahadal socday maalin dhan la qaatay madaxda Galmudug ee is qilaafsan. 27da Sebtembar waxaa lakala hoyday iyadoo la heshiiyay. 28da Sebtembar waxaa lasoo kacay iyadoo Madaxweyne ku Xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanku ay ka baxeen heshiiskii oo wadahadalladii 27da Sebtembar socday oo dhan ay noqdeen hal bacaad lagu lisay, lug gooyadaan waxaa sabab u ah Filla Soomaaliya oo taleefan xargo la xirixiray ku furfurtay. 

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne Ku Xigeenku Maxay ku Qaldanyihiin? 

  1. Labadaan nin talo kama go’do. Muqdisho ayaa laga hagaa wixii lagula heshiiyo haddii ay Muqdisho qancin weyso waa iska illow.
  2. Maamulkoodii ayeey agmareen oona ogolaadeen soona dhaweeyeen faragelin lagu hayo maamulkii ay iyagu madaxda ka ahaayeen.
  3. Waxay taageereen fadhi baarlamaan oo sharci darro ah, laguna rabay in lagu rido madaxweynaha maamulka ay madaxda ka yihiin, midaan oo isgaranwaaga jira sii sikisay. 

Maxaa laga baqayaa

Iayadoo Galmudug ay taallo howlo badan oo fulin u baahan, sida dhisidda jidadka haba u horeeyo jidka kasoo baxa eeraboorka oo magaaladda soo gala, oo aad u burbursan, caafimaad darro, waxbarasho darro, dhulkii galmudug qaar ka mid ah oo maqan sida Dhuusamareeb, ayaa waxaa laga cabsi qabaa hadeer in intii wada shaqayntu ka dhaxaysay ay kala fogaadaan, khilaafkooduna sii dheeraado, dabadeedna qofkasta degaankii uu kasoo jeeday uu kasoo jeesto, hadhowna shakiga iyo is aamini la’aanta oo sii badata ay aad u adkaato in mardanbe la isku soo dhawaado.

Taas waxaa dheer, kana liidata, in hadeer la dareemayo saansaan colaadeed iyo hub uruursi, dib kuu xusuusinaya billawgii sagaashamaadkii, markii Soomaali walaalo ah ay hadana reer reer isku laayeen. Hadallada Xaaf kasoo yeerayana cidna ma caawinayaan.

Maxaa Xal Ah?

Waxaa magaalada jooga xildhibaanno laga soo doorto Galmudug kana socda labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah. Waxay u joogaan in ay ka hortagaan dhib ka imaan kara isqabqabsigaan oo sii daba dheeraada. Waxay isku dayayaan dadka ay matalaan in dagaal uusan ka dhex dhicin, dhiigna uusan daadan. Sidaas darteed waxaa muhiim ah in taladooda la qaato.

Waxaa muhiim ah in Madaxweyne ku Xigeenka iyo Gudoomiya Baarlamaanku ay talada loosoo jeediyay ku qancaan, kuleylka hadeer jirana ay qaboojiyaan.

Waxaa muhiim ah in madaxda Dowladda Federaalka ah ay ka bixiso faragalinta ay ku hayso maamulkaan tabarta daran ee sida fudud ku burburi kara, kana fekerto haddii dhib dhoco in ay culeyskeeda iyaga qaadi doonaan.

Waxaa xal ah in Madaxweyne Xaaf uu ka fiirsado hadalada nacaybka abuuri kara, kana digtoonaado hadallada kicin kara dadka ay u fududdahay dagaal galiddu.

W/Q: Sakariye Cismaan,

Zakariye, Waa Cilmi-baare iyo Falanqeeye arrimaha siyaasadda

Twitter: @SakariyeDhegnas

Goobjoog News, waxaa ay soo dhaweyneysaa fikradaha akhristayaasha, kala soo xiriir: [email protected]