U bood dhigaalka

Qoysas Dan yar ah oo deeq afur ah loogu qeybiyay degmada Hodan

Sheeko:War
IMG_7861
Danyar raashin afur ah loogu qeybiyay degmada Hodan ee Muqdisho

Dan yar  tabaalaysan oo ku dhaqan degmada Hodan ayaa maalintii 18-daad ee bisha Barakaysan  ee Ramadaan ka faa’iidaystay raashin afurin ah oo ay bixinayso Bisha Cas ee Dowladda Imaaradka Carabta ,kaasoo logu tala galay dadka aadka dhaqaalahoodu u hooseeyo.

Nuur Axmed Diiriye oo ka tirsan laanta afraad ee degmada Hodan oo galabta qayb ka ahaa bixinta raashinkan bisil ee loogu tala galay inay ka afuraan dadkan danta yar ee ku dhaqan degmadaasi ayaa ugu horeyn si weyn uga mahad celiyay kaalmadaan afurka ah ee ay wado Bisha Cas ee Dowladda Imaaradka Carabta.

Maryan Cali Daahir oo kamida dadkan la quudinayo ayaa si aad iyo aad ah ugu mahad celisay Bisha Cas ee Dowladda Imaaradka Carabta oo kaalmo maalmahan danbe ka waday xeradan Agoonta ee degmada Hodan Laanta Afaraad, waxayna sidoo kale tilmaamtay inay jiraan baahi intaas ka badan oo haysata dadka tabaalaysan ee ku dhaqan degmadaasi,xilli lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan iyadoona ay jiraan roobab lixaad leh oo maalmahan ka Da’aya Caasimada Muqdisho.

Siday u bilaabatay bishan barakaysan ee Ramadaan ayaa waxaa qaybo kamida gobolka Banaadir waxaa ka socotay gaarsiinta Kaalmooyin iyo gargaar ka imaanaya dowladaha Qatar,Cuman,Kuwait iyo Bisha Cas ee Dowladda Imaaradka Carabta oo ballan qaaday inay bixin doonaan inta lagu guda jiro bishan Barakaysan Kaalmooyin iskugu jira Cuntooyin ,Dhar iyo Gargaar kale oo ay ugu tala gashay dadka danta yar ee ku dhaqan gobolka Banaadir.

Wararka Goobjoog news