U bood dhigaalka

Rabshado Xooggan oo ka Taagan Magaalada Qudus ee Daanta Galbeed.

Sheeko:Caalamka

Nin asalkiisu ka soo jeeda Israel laakin haysta dhaslahada Mareykanka ayaa lagu toogtay daanta galbeed ee la haysto ee Qudus, iyadoo ay sii kordhayaan rabshadaha halkaa ka taagan.

Ninkaan ayaa lagu toogtay weerar lagu qaaday gawaari marysay waddo weyn oo u dhow magaalada Jericho, waxaana lasoo warinayaa in ay jiraan weerarro aan goosi ku saleysan.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa sheegay in uu si buuxda ay Israel mas’uul uga tahay waxa uu ugu yeeray “falalka argagixisanimo ee ay fuliyaan dadka Israa’iiliyiinta ah ee deegaamaysiga ka wada daanta galbeed.

Israa’iiliyiinta degan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed ayaa gubay dhismayaal falastiiniyiintu leeyihiin, iyagoo halkaas ku dilay hal nin oo Falastiini ah.

Rabshadaha ayaa daba socday toogasho lagu dilay laba qof oo Israa’iiliyiin ah oo ku dhintay tuulo u dhow magaalada Nablus oo todobaadkii tagay ay weerarro ka dheceen.

Dadka deegaanka ayaa ku doodaya in askarta Israa’iil ay ka caawiyeen dadka deegaanka in ay fuliyaan weerarka aargoosiga ah, kuwaas oo lagula kacayo dadka reer Falastiin ee dhulkooda la heysto.

Goobjoog News