U bood dhigaalka

Raga Geela kaxeeya oo ka cabanaya lacago si sharci darro looga qaado

Sheeko:War
DSC_0100
Qaar ka tirsan ragga Geelleyda oo isugu yimid dibad bax ay ka dhigeen deegaanka Siinka.

Ganacsatada Geela ayaa maanta bannaan bax cabasho ah waxay ka dhigeen suuqa geela lagu iibiyo ee deegaanka siinka dheer, kadib markii sida ay sheegeen isbaarooyin badan oo lacago looga qaado loo dhigtay wadooyinka ay soo maraan.

Waxay sheegeen in dibad baxooda maanta uu ka dambeeyay dhibaatooyin ku soo laalaabtay dadka ka ganacsada geela oo maalmahan sida gaadiidka oo kale isbaarooyin loo dhigto raga geela wada ka hor inta aaney keenin seylada lagu iibiyo.

Askarta dowladda federaalka Soomaaliya ayey sheegeen in nin kasta oo meel taagan uu sheegto lacag hadaan la siinna la xayirayo geela iyo raga wada ee la socda,waxay sheegeen in maadaama canshuur laga qaado ay doonayaan in laga qabto shaqsiyaadkaas kale dhibka ku haya .

Madaxda dowlada soomaaliya ayey cod baaq dheer leh uga codsadeen in wax laga qabto dhibaatooyinkaas ay qabaan askarta u geysaneysa ee wadooyinka u taagan.

Wararka ganacsiga Goobjoog news