U bood dhigaalka

Ra'iisal wasaare Cabdiweli oo ka hadlay howlgal lagu soo qabtay hub daban

Sheeko:War
0228
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada amniga howlgal ay xalay ku soo qabteen hub fara badan, isagoo xusay in howl galkani uu sii socon doono tan iyo inta laga xaqiijinayo nabad gelyada dalka.

“Waxaan u bogaadinayaa ciidamada amniga oo dadaalkoodu keenay in dhabarka laga jebiyo cadowga, hubka intaa la egna laga soo qabto, aad iyo aadbaan ugu hambalyeeyneynaa wasiirka wasaaradda amniga, ciidamada amniga iyo taliyayaashoodaba, howshanu waa howl dhaxalgala, waxaan rajeynayaa in howshani ay sii socoto ilaa la gaaro in magaalada Muqdisho iyo dalka intiisa kale ummadda Soomaaliyeed ay si cabsi la’aan ah ugu noolaadaan.” Sidaasi waxaa yiri R/wasaare Dr. C/weli Sheekh Axmed.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka iney sii xoojiyaan la shaqeynta ciidamada amaanka si dalkeena looga dhigo meel amni ah oo ka caaggan argagixisada Shabaab

Howlgalka ay xalay ciidamadu kusoo qabteen hubka farabadan ayaa qeyb ka ah dadaaladu dowladdu ugu jirto wax ka qabashada amniga caasimadda, iyadoo dad badani rumeysan yihiin in haddii ay sii socdaan howlgallada noocaan oo kale ah la heli doono nabadgelyo iyo kaladambeyn.