U bood dhigaalka

Ra’iisal Wasaare Cabdiweli oo la kulmay saxiixayaasha heshiiska maamulka saddexda gobol

Sheeko:War
Raysal wasaare cabdiweli iyo guddiga
RW Cabdiweli oo hadal ka jeedinaya kulanka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa kulan la qaatay saxiixayaasha hishiiska maamulka sedexda gobol ee koonfur galbeed ee Soomaaliya kaasoo ujeedkiisu ahaa in lagu sagootiyo xubnaha guddigan  oo dib ugu noqonaya magaalada Baydhabo si ay u guda galaan howsha loo igmaday.

Xubanahani oo marka maanta ay ku noqdaan Baydhabo ka shaqeyn doona dib u hishiisiinta beelaha daga halkaasi iyo sameynta maamul ka kooban sedexda gobol oo ay dowladdu aqoonsatay.

kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa waxa xooga lagu saaray dar daaran.

Maxamed Cabdi Nuur Madeer oo ku hadlayay saxiixayaasha labada dhinac ayaa waxa uu sheegay in howl badan ay sugeyso marka ay tagaan beydhabo oo ay ugu horeyso dib u hishiisiinta iyo ka shaqeynta maamul lagu wada qanacsan yahay.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Dr  Khaalid Cumar Cali oo isna goobta ka hadlay ayaa waxa uu muujiyay sida uu ugu farax sanyahay in hishiis ay gaaraan xubnahani, waxaana Ra’isul Wasaare C/weli uu kaga mahadceliyay dadaalka Arrinkani uu u galay.

Wasiirka Koowaad ee Dalka Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo soo gunaanaday kulanka ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dadka wada daga goboladaasi ay ka shaqeeyaan horumarkooda, waxaana ka Xukuumad ahaan uu balan qaaday in ay taageerayaan howsha ay qabanayaan.