U bood dhigaalka

Ra’iisalwasaare Rooble: Diyaar Ayaan u Ahay Xallinta Tabashooyinka Doorashada

Sheeko:Baarlamaanka

Beesha caalamka iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa kulan la qaatay ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamaed Xuseen Rooble, waxaana inta badan looga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo tabashada.

Rooble oo kulamadaas kadib la hadlay warbaahinta waxaa uu sheegay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay qabashada doorasho nabdoon uuna diyaar u yahay inuu xaliyo tabashooyinka ay muujinayaan musharraxiinta.

Sidoo kale waxaa uu intaa ku daray in uu diyaar u yahay inuu la fariisto cid kasta oo wax ka qabtada ama saluug ka muujinaysa sida dowladdu u maamulayso doorashooyinka qaranka ee Baarlamaanka labadiisa gole ee 2021-ka.

“Waxaan rabaa inaan halkaan ka cadeeyo inaan kasoo baxay kulan aan la yeeshay beesha caalamka safiirradooda kala duwan, waxaana kawada hadalnay sidii loo daadihin lahaa loona gaari lahaa doorash, dalkaan ay ka dhacdo doorasho, waxaana kale aan la kulmay ururada bulshada rayidka ah , Culimaau’diinka,  iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed  iyo haweenkashirkaas oo aan kaga hadalnay arrimaha doorashooyuinka” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisalwasaaraha oo sii hadlaayo waxaa uu xusay in xukuumaddiisa ay diyaar u tahay xalinta tabashooyinka ka taagan doorashooyinka, waxaana uu intaas inuu doonayo in laga wada hadlo arrimaha doorashooyin qaranka.

“Waxaan u sheegay inaan diyaar u ahay qof kasta oo daneynaayo ama cabasho ka qabo iney ila fariistaan diyaarna aan naan ahay inaan la fariisto cabashadoodana aan xaliyo,  haddii ay ahaan leyd doorashada mid guud iyo gaar ah, waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed is dejiya anniga mas’uul aha xukuumadda waxaan idiin sheegaa inaan diyaar u ahay inaan qof kasta qaabilo, kalana hadlo wixii caqabad ah ama caabasho ah ay dareemayaan” ayuu yiri.

Kulanka beesha caalamka ay la qaadatay ra’iisalwasaare Rooble ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo dalka ay ka taagan tahay xaalado ka dhashay dib u dhjaca doorasha Baarlamaanka labadiisa gole oo aan weli la dooran, iyadoo ayna jirto cabasho laga keenay guddiga la sheegay inuu maamulayo doorashooyinka baarlamaanka heer fedral.

Goobjoog News