U bood dhigaalka

Ra’iisul-wasaaraha Dalka Haiti Oo Ka Badbaaday Iskuday Dil

Sheeko:Caalamka

Ra’iisul wasaaraha dalka Haiti Ariel Henry ayaa la sheegay in uu ka badbaaday isku day dil kaas oo la doonayay in  lagu khaarajiyo xilli uu ku gudaha jiray dabaal dagga todobaadka xoriyadda dalkaasi.

Ariel ayaa la sheegay in ay soo weerareen kooxa hubeysan kuwaas oo qorsheynayay in ay dilaan ra’iisul wasaaraha sida ay ku warantay warbaahinta dalkaas.

Mr Ariel Henry ayaa qorshaha dilka ah ka bad baaday shalay oo isniin aheyd xilli uu ku sugnaa goob kaniisad ah oo uu kaga qeyb galayay munaasibadda dabaal dagga isbuuca xoriyadda dalkiisa.

Qorshaha dilka ra’iisul wasaaraha ayaa lagu eedeayay kooxa hubeysan oo ka jira dalkaas kuwaas oo ay dowladda Haiti u aqoonsan tahay argagixiso.

7 July sanadkii hore 2021 ayeey aheyd markii hooygiisa ay kooxa hubeysan ku dileen madaxweynihii dalka Haiti Jovenel Moïse.

Madaxda dalkan Haiti oo dhaca badda Caribbean ayaa inta badan la kulma isku dayo dil kuwaas oo ay qaarkood guuleystaan.

Gooboog News