U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha Japan oo Lagu Weeraray Bombo, Xilli Khudbad uu Jeedinayay

Sheeko:Caalamka

Ra’iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa laga soo saaray goob fagaare ah, ka dib markii lagu tuuray wax u muuqday bam qiiq ah, ciidanka gaarka ayaa isku gadaamay meesha oo durba soo saaray, wararka qaar ayaa leh waxa la tuuray waxaa ay ahaayeen wax Bom gacmeed u muuqday.

Qof ayaa lagu xiray goobta oo ku taal Wakayama, halkaasoo lagu waday in Mr Kishida uu khudbad ka jeediyo, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha dalkaasi, waxaana la ogeyn sababta iyo cidda ka dambeysay weerarka, marka laga tago qofka ciidanku ay tuhmeen ee lagu xiray goobta.

Qof goobjooge ah ayaa sheegay in ay arkeen qof wax tuuraya, kadibna uu qiiq ka baxay, halka mid kalena uu sheegay in ay maqleen jug weyn. Wax dhaawac ah lama soo sheegin, mana jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac uu geysay walxaha la tuuray, waxaana socda baaritaanno la xiriira.

Booliska ayaa sheegay inay qof u qabteen falkaas, balse ilaa hadda way ka gaabsadeen inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan dhacdada lagu weerar Ra’iisulwasaaraha dalkaasi,  Warbaahinta Japan, NHK, ayaa ka soo xigatay Mr Kishida in uu yiri “qarax weyn” ayaa ka dhacay goobta.

Ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee soo maray dalka Japan Shinzo Abe, ayaa 8-dii July 2022 dhintay, kadib markii toogasho lagu dhaawacay magaalada Nara, xilli uu u ol’oleynayay doorashada baarlamaanka, waxaana uu weerarkaan noqonayaa Ra’iisulwasaarihii labaad oo la weeraray.

Goobjoog News