U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Baarlamaanka Ka Codsay Ansixinta Qorshaha Guud Ee Hannaanka Doorasho (Sawirro)

Sheeko:Baarlamaanka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali oo Maanta baarlamaanka hortagay ayaa xubnaha ka codsaday iney ansixiyaan hanaanka doorasho ee 2016-ka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horreyn baarlamaanka xasuusiyay heerarkii kala duwanaa ee hanaanka doorashada  iyo sida aaney suurogalka u ahayn in lagalo doorasho qof iyo cod ah, isagoo si gaar ah hoosta uga xarriiqay go’aanadii kala duwaanaa ee ka soo baxay shirarkii madasha, kii baarlamaanka iyo waliba tala soo jeedintii beesha Caalamka ee ku aadanaa arrimaha doorashada.

Waxa uu xubnaha baarlamaaka ka codsaday iney ansixiyaan hanaanka doorasho ee 2016:

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay u soo gudbineysaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya hanaanka guud ee geedi socodka doorasho sida lagu qeexay go’aanka dowladda Federaalka 28 Janayo 2016”.

“Xukuumadda federaalku iyadoo eegaysa duruufaha uu dalku ku jiro, wakhtiga oo gabaabsiga ah iyo howsha baaxada leh ee dhiman, waxay ka codsaneysaa golaha shacabka iney ansixiyaan hanaankaas doorasho oo lagu keenay wada xaajood siyaasadeed oo ku saleysan go’aan wada ogol ah ooy qaateen dowaldda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyn; xubnaha baarlamaanka oo loo qeybiyay qorshaha xukuumadda ee hagidda doorashooyinka 2016 ay soo akhrin doonaan hanaanka, iyadoo maalinta Isniinta ah loo ballamay in mar kale uu Ra’iisul wasaaruhu uu hortago baarlamaanka si su’aalo looga waydiiyo qorashaha xukuumadda ee hanaanka Doorasho.

C4 C3 C2 C1