U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Maanta Hor-tagaya Baarlamaanka Federalaalka Soomaliya

Sheeko:Baarlamaanka

Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali  Sharmaarke ayaa la filayaa inuu maanta hortago baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyadoo uu baarlamaanka horgeyn doono qorshaha dowladda ee nidaamka doorashada 2016.

Afhayeenka baarlamaanta Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xubnaha baarlamaanka ku adkeeyay Arbacadii in aan sabtida loo kala maqnaan kulanka Ra’iisul wasaaraha oo ah sida uu guddoomiyuhu sheegay mid xasaasi ah:

“Ra’iisul wasaaruhu waa uu diyaar garoobay, waxaan ku ballanay maalinta Sabtida ah oo ay bishu tahay 30 inuu baarlamaanka yimaado oo uu idiin soo bandhigo soo jeedimaha uu ku fulinayo qorshaha doorashooyinka Qaranka, markaa waxaan ka codsanayaa in xildhibaanadu ay wada goobjoog ahaadaan maadaama uu muhiim yahay oo masiirka Soomaaliyeed loogu meel dayayo”.

Si kastaba, 12-04-2016 ayaa golaha madasha Qaranku  ay soo saareen qodobbo ku saabsan hannaanka doorashada 2016 iyo sida loo waajahayo, qoraalkii madasha oo faahfaahsan ayaa la filayaa in maanta xubnaha baarlamaanka  la horkeeno.

Goobjoog News