U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Sheegay In Weli Dib u Eegis Aan Lagu Sameyn Qodobadii Ugu Muhiimsanaa Ee Dastuurka

Sheeko:Baarlamaanka

Xarunta baarlamaanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay lagu qabtay kalifadhii 7-aad kulankiisii 5aad ee gaarka ahaa, iyadoo lagu soo bandhigayay daahfurka dib u eegista dastuurka, warbixinna looga dhageystay guddiga baarlamaanka ee dib u eegista Dastuurka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid oo ka warbixiyay kaalintii ay ka qaateen dardar galinta dib u eegista dastuurka isagoo halkaa ka sheegay iney u sameeyeen wasaarad u gaar ah oo lagu soo kordhiyay qaabdhismeedka wasaaraha dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horreyn u mahad celiyay guddoonka Baarlamaanka iyo dhamaan xubnaha golaha shacabka, wasaaradda dastuurka iyo guddiga la socodka Baarlamaanka iyo waliba guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka, isagoo ku ammaanay dadaalkii faraha badan ee ay muujiyeen muddo aad u kooban oo ay haysteen.

Ra’iisulwasaare Cumar ayaa sheegay in dib u eegista dastuurka lagu sameeyaa aanay sahlaneyn, waxa uu yiri; “markaan nimid waxbadan oo dib u dhac ah ayaa jiray, waxaan isku dayney inaan maareyno dib u dhaca, dabadeedna aan ku dadaalno wixii laga gaarsiin karo in laga gaarsiiyo, xukuumadda fedraalku iyadoo garwaaqsaneysa ahmiyadda iyo miisaanka uu dastuurku u leeyahay dalka, ayaa waxaan u magacaabney wasaarad gaar ah oo ka kooban Wasiir, Wasiiru dowle iyo Wasiir ku xigeen”.

Si ay u fududaato arrimaha dib u eegista dastuurku ayaa baarlamaanku qaraar kasoo saaray, kaas oo ku saabsanaa qodobadda farsamo ee wax lagu darayo iyo kuwa kale oo siyaasadeed ee dib loo dhigayo, ra’iisulwasaaraha ayaa carrabka ku dhuftay in qodobada loo soo gudbiyay ay ka muuqato arrimo siyaasadeed oo ay ahayd iney ka wada hadlaan oo ay ka tashadaan qeybaha siyaasadeed iyo maamul goboleedyada dalka, waxaanu sheegay in qodobadda siyaasadeed ay u baahan yihiin in laga galo wadatashi dheeri ah oo ay u dhan yihiin ummadda Soomaaliyeed.

Cutubyada harsan ayaa Ra’isul wasaaruhu ku sheegay iney ka mid yihiin qeexidda awoodaha Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, cadaaladda arrimaha amniga iyo arrimaha kheyraadka iyo sida loo qeybsanayo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay; “waxaan rabaa inaan idiin xaqiijiyo in dastuurka umaadda Soomaaliyeed ay wada leedahay, qolo gaar u lehna aysan jirin, arrintaasna ay tahay in lagaliyo wadatashi, hay’adaha dowladda heer gobol iyo heer qaran intaba ay ka wadahadlaan kadibna loo bandhigo shacabka Soomaaliyeed gudo iyo dibanba taladana ay ku darsadaan”, waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Sidaa daraadeed dowladdu waxay caddeynaysaa in la qaadanayo talooyinka heer fedraal iyo heer muumul goboleed intaba, si loo xaqiijiyo dastuur lagu wada faraxsan yahay, la wada leeyahay isla markaana ka tarjumaya himilooyinka, rabitaanka iyo yididiilada shacabka”.

Ugu dambeyn waxa uu mar kale u mahadceliyay gudiyadii ka soo shaqeeyay arrimaha wax ka bedelka qodobada dastuurka ee loo baahnaa, waxaanuu yiri, “shaqo fiican ayay qabteen, laakiin intii ugu muhiimsaneyd waa harsan tahay weli, daahfurkan dastuurka waxaan rajeynayaa inuu siiyo fursad in golaha shacabka iyo golayaasha kale ee maamul goboleedyaduba ay is arkaan iskuna darsadaan taladooda, kana wada hadlaan arrimaha siyaasadda wixii laga gaarsiin karana laga gaarsiiyo”.