U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan la Qaatay Guddiga Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta Mire Awaare

Sheeko:Cayaaraha

Guddiga dhismaha Garoonka kubadda Cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe ayaa kulan  mahad celin ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka  Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo dhaqaale lacageed ku taageeray dhismaha garoonka Mira Cawaale sanadkii lasoo dhafay 2018.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federalka Soomaaliya  Mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddiga ka dhageystay warbixin ku aadan halka uu marayo dhismaha garoonka Mire Awaare ee Magaaladda Garoowe,isagoo muujiyey ahmiyada garoonku uu u leeyhay dhallinyaradda Soomaaliyeed iyo is-dhexgalka bulshadda  ay hormuudka u yihiin dhallinyaradda reer Puntland.

Guddoomiyaha Guddiga dhismaha garoonka Mire Awaare ahna guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Puntland,Maxamed  Cali Ciise Ciiro  ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre uga mahadceliyay tageerada iyo garab istaaggida buuxda uu u muujiyay bahda ciyaarah maamulka Puntland iyo kaalintii muga laheyd oo ka qaatay dib u dhiska garoonka kubbadda cagta Mira Awaare.

si kastaba labadii bil ee lasoo dhaafay Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa dhagax dhigay labo garoon oo kubbadda cagta ah wuxuuna sheegay in maamulkiisa oo xooga saarayo qorshaha horomarinta kubbadda cagta Puntland.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulank Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Iyo Guddiga

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/1233552726812827/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle