U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaara Xamse oo Gaaray Itoobiya ,Xilli Xulka Qarankeena ay Sabtida Ciyaarayaan Finalka

Sheeko:Caalamka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobaya ayaa galabta kulan kula qaatay magaaladaas  Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibbeda federalka Itoobiya , Mudane Demeke Mekonnen.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee deriska -isla markaana iskaashi xooggan looga sameyn lahaa arrimaha amniga, ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha, waxaana ay sidoo kale ka wadahadleen xaaladda guud ee gobolka.
Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta soo gaaray magaalada Addis Ababa, iyaga oo halkaas kaga qaybgalaya shirka Tana Forum oo looga hadlayo arrimaha amniga ee qaaradda Afrika, waxaana Ra’iisulwasare Xamse lagu wadaa inuu shirka kaga hadlo xaaladda amniga dalka.
Safarka uu dalka ku joogo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo maalinta sabtida ah xulka qaranka Soomaaliya magaalada Addis Ababa ay ku ciyaarayaan Finalka Koobka bariga iyo Bartamaha Afrika, waxaana macquul ah inuu i daawasho tago si uu dhiiragelin u siiyo xidiga xukulka qaran ee ciyaaraya.
Goobjoog News