U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaarahii Hore Ee Dalka Pakistan Imran Khan oo Xabsiga La Dhigay

Sheeko:Caalamka

Ra’iisulwasaaraha hore ee Pakistan Imran Khan ayaa xabsiga la dhigay, kadib markii lagu soo eedeeyay musuq iyo wax isdabamarin dhaqaale, sida laga soo xigtay Booliiska, waxaana jirta xiisad xooggan oo ka dhalatay xarigiisa.

Imran ayaa waxaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah la horkeeno Maxkamad ku talla magaalada Islamabad, dhageysiga dacwadiisa ayaa waxaa la qorsheeyay in ay ka dhacdo halka uu xabsiga kaga xiran yahay Imran.

Xirigga Imran ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo xooggan oo ay dhigayaan taageerayaashiisa, waxaana uu inta badan ka dhacayaa gobollada dalkaas iyo magaalooyin Islaamabad oo caasimadda ah, Laahor iyo Bishwaar.

Ra’iisulwasaare Cimraan ayaa codka kalsoonida Baarlamaanka dalkaas lumiyay sanadkii hore, markaas oo xilka laga eryay, waxaana muddaas, kadib uu wajahayay eedeymo ku aadan musuqmaasuq uu sameeyay ganacsadahan.

Mas’uuliyiin ku dhow Ra’iisulwasaarihii hore ee dalkaas ayaa waxaa ay sheegayaan in eedeymaha loo heysto ay tahay mid aan waxba ka jirin, waxaana ay warbaahinta u sheegeen in uu yahay wax ay ku tilmaameen Afduub.

Khan, oo ah guddoomiyaha Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI), ayaa la xiray xilli uu ku sugnaa xarunta Islamabad HC ee dhageysiga dacwadda Al-Qadir Trust, Khan ayaa wajahayo eedeymo musuqmaasuq intii uu joogay xafiiska.

Eedeymaha Khan loo heysto ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah xaaskiisa oo wadajir lagu  eedeeyay inay heleen. ” balaayiin rupees ah oo ka yimid shirkad guryaha leh si loogu sharciyeeyo lacag la dhaqay oo Rs 50 bilyan ah.

Cimran Khan oo 70 jir ah ayaa waxaa eediisa ay kusoo aadaysaa xilli bishii lasoo dhaafay uu wajahay Olole kaga imaanayay dhanka mucaaradka, taas oo ka dhan ah xukuumaddiisa oo lagu eedeeyay musumaasuq ay geysteen.

Imran Khan ayaa 18 August 2018-kii yimid xafiiska looga arrimiyo Pakistan, ka hor inta aan xil ka qaadis lagu sameynin 10 April 2022, xilligaas kadib ayaa waxaa uu wajahayay eedeymo la xiriiri lunsasho lacag iyo ku kale.

Marka laga tago eedeymaha lacag dhaqista waxaa kale oo jira Imran loo heyso lacago badan oo la lunsaday xilli dalka Pakistan uu la daalo dhacayay maareynta xanuunka COVID-19, markaas oo la lunsaday dhaqaalo badan.

 

Goobjoog News