U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaaraha Hindiya oo Si Kulul Uga Hadlay Shilkii Train Ee Khasaaraha Dhaliyay

Sheeko:Caalamka

Ra’iisulwasaaraha dalka Hindia Narendra Modi ayaa sheegay in lala xisaabtami doono cid kasta oo sabab u aheyd shilkii Train ee ka dhacay gobolka Desha ee dalkaasi, shilkaas waxaa uu ahaa midkii ugu khasaaraha badanaa, isaga oo intaas ku daray in la ciqaabayo cidii ku lug yeelata.

Ugu yaraan 288 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 800 oo kalena way ku dhaawacmeen shil Jimcihii ka dhacay gobolka Odisha, kadib markii laba tareen oo rakaab ah iyo tareen alaab sida oo ay isku dhaceen, taas oo dhalisay khasaare xooggan oo soo gaaray tiro dad ah oo Rakaab ah.

Ra’iisulwasaaraha oo wareysi TV-ga dalkaasi ayaa ballan qaaday “in tallaabo adag” laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo shilkii tareen ee ay ku dhinteen 288 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 900 oo ka dhacay bariga Hindiya, waxaana uu noqday shilkii ugu khasaaraha badanaa.

Modi ayaa booqday goobta shilku ka dhacay ee gobolka Odisha Sabtidii, Juun 3, wuxuuna aaday isbitaal si uu ula kulmo dhaawacyada. Warbixin horudhac ah ayaa sheegtay in cilad ku timid mid kamid ah Trainnada ay sabab u aheyd shilka oo ay isku dhaceen sedex Train oo isku wado ahaa.

Markii ay soo idlaatay baadigoobka dadka badbaaday, waxaa soo baxay dhambaalo tacsi ah oo ka imaanayay madaxda caalamka oo uu ku jiro madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, waxay u muuqataa inay tahay masiibadii ugu xumayd ee tareenada Hindiya tan iyo 1995, markii laba tareen ay isku dhaceen meel u dhow New Delhi, oo ay ku dhinteen 350.

Shilkaan Train ee ka dhacay Hindiya ayaa lagu tilmaamaa midkii ugu khasaaraha badanaa tan iyo sanadkii 1995-kii wallow uu ka dhimasho yaraa hadana waxaa aad u badnaa dhaawaca ka dhashay shilkii dhacay maalintii Jimcaha, waxaana dhaawac uu soo gaaray in ka badan 900 oo ruux, halka ay geeriyoodeen 300 ruux, taas oo ka dhigeysa kii labaad ee ugu dhimayasga badanaa.

Goobjoog News