U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaaraha Ingiriiska Oo Si Aad Ah Loogu Dhaliilay Baraha Bulshada

Sheeko:Caalamka

Ra’isul-wasaaraha Ingiriiska “Thersesa May” ayaa mowjado jeesjees ah kala kulantay Barta Twitter-ka kadib markii laga falceliyay sida ay u salaantay Prince William oo ay u jilba jabsatay, munaasabadda dabaaldagga 100 sano guuradii Amiens ee intii lagu guda jiray dagaalkii koowaad ee Adduunka.

Amiir William iyo Ra’isul-Wasaaraha ayaa waxey ka mid ahaayeen 300 qof oo booqanayay xarunta dib u habeynteeda ay ku baxday 300-milayn oo gini, taas oo laga sameeyay Stanford Hall Estate oo ku yaalla Nottinghamshire, oo loogu talagay in adeegyo ay u fidiso dhaawacyada.

Qof Twitter-ka ku soo gala magaca “Mutaz Elinour’ ayaa sheegay inuu aad ula dhacsan yahay awoodaha sports ee Ra’isul-wasaaraha, waxa uu tilmaamay inuu 40-jir yahay waxa ay sameysayna aanuu sameyn karin.

Sidaas oo kale, dad badan ayaa farriimo ay ku dhaliilayaa Ra’iisul-wasaaraha Baraha-bulshada soo dhigay.

Dhanka kale, jariidada “The Independent” ee dalka Ingiriiska ka soo baxda ayaa ka hadlashay booqashada Ra’iisul-wasaaraha Britain ay ku gaartay xarunta cusub ee dib-u-habeynta lagu sameeyay ee ku taalla Nottinghamshire, taas oo Amiir William uu booqday oo ay isku arkeen.

Jariidadu waxey hadalkiisa sii raacisay in May ay qoyska boqortooyada u salaanto hab goonni ah oo layaab badan, tani maaha markii ugu horreysay ee May ay salaan lala yaabo ay ku salaanto qoyska boqortooyada, waxey hore si layaableh ku qaabishay boqoradda Queen Elizabeth ll iyo Duchess CambridgeKate Middleton.

Goobjoog News