U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaaraha Ingriiska oo Ku Dhawaaqday Hadal Caqabad ku ah Dadka Tahriibayaasha

Sheeko:Caalamka

Ra’iisulwasaaraha Boqortooyada UK Rishi Sunak ayaa ku dhawaaqay hadal aan u waganaagsaneyd dadka magangalyo doonka ee Tahriibka u imaanaya Ingiriiska, waxaana uu xusay in tobaadka soo aadan uu soo bixi doono sharci lagu hakinayo dadka sida joogtada ah usoo gaara ee soo maraya dhanka Badda.

Hadalkaan kasoo dowladda ayaa waxaa lagu diidayaa dadka kusoo Tahriibaya Doomaha jilacsan, kuwaas inta badan sababa khasaare soo gaara Tahriibayaasha, iyadoo sharcigaan uu dhigayo dadka kusoo gala Ingriiska Doomahaas aan la siin doonin mangalyo ay ku joogaan sida uu ku dhawaaqay Rishi Sunak.

“Tahriibta sharci darada ah maaha mid ku socota cashuur bixiyayaasha Ingiriiska, saxna maaha in kooxaha dambiilayaasha ah loo daayo inay sii wataan ganacsigooda anshax-xumada ah, waxaana iga go’an inaan ka dhabeeyo balan-qaadkaygii ahaa inaan joojinayo doonyaha. “ayuu u sheegay Daily Mail.

Bishii Diseembar sanadkii tagay maxkamadda sare waxay xukuntay in qorshaha uusan jebin heshiiska qaxootiga ee Qaramada Midoobay. Go’aankaas ayaa la filayaa in uu la kulmo caqabado kale oo dhanka maxkamadaha ah, taasna ay dhaliso inuusan dhaqan galin go’aanka joojinta Tahriibka.

45,756 muhaajiriin ah ayaa ka tallaabay kanaalka Ingiriiska 2022-kii, sida lagu sheegay tirokoob ay dowladdu soo aruurisay dowladda Ingiriiska, waxaana qulqulka Muhaajiriinta ee ka imaanaya dhanka France uu ahaa mid sareeya, kuwaas oo raba in ay ku noolaadaan gudaha Engiriiska, oo ka duwan dalalka ee Reer Yurub.

Ra’iisulwasaaraha waxaa la filayaa in uu u safro magaalada Paris si uu uga qeyb galo shir madaxeedka UK iyo France maalinta Jimcaha. Kulanka uu la qaadanayo Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa noqon doona shir madaxeedkii u horeeyay ee UK iyo France tan iyo sanadkii 2018-ka.

Goobjoog News