U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Rooble oo Ka Hadlay Go’aankii Kasoo Baxay Guddiga FEIT

Sheeko:Baarlamaanka

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadlay go’aan galabta kasoo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee FEIT, kaas oo deegaan doorashada labaad ee Jubbland loogu wareejiyay magaalada Ceelwaaq oo isla gobolka ah, waxaana  qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble  lagu yiri.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble isagoo tixgalinaya xaqa matalaadda dadka Gobolka Gedo iyo ahmiyadda dhammaystirka doorashada wuxuu bogaadinayaa soona dhaweynayaa go’aanka Guddiga Doorashooyinka FEIT ee ku aaddan deegaan doorashada 2aad ee Jubaland”.
Rooble ayaa gabagabdii qoraalkiisa waxaa uu fariin ugu diray maamul goboleedka Jubbaland, waxaana lagu booriyey in sida ugu dhaqsiyaha badan au usoo dhammayaan”Sid Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku boorrinayaa Guddiga Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland in ay si dhaqso ah u soo dhammaystiraan kuraasta dhiman”.
Goobjoog News