U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Rooble oo La Kulmay Safiirka Mareykanka Baaqna u Diray Madaxda Dowlad Goboleedyada

Sheeko:Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta  kulan la yeeshay safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Mudane Larry Andre oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo ay heer gebogebo ah mareyso doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Ra’iisu Wasaare Rooble iyo Danjire Andre ayaa ka wada hadlay habsami u socodka doorashada iyagoo isla soo qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku ku soo idlaato xilligii ay horay ugu heshiiyeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee 15-ka Maarso 2022-ka oo ah maalintii loo asteeyey in lagu soo gabagabeeyo.

Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay xowliga ay ku socoto doorashada, iyadoo ilaa hadda la doortay 80% xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaa dhanka kale sheegay in aan la aqbali karin dib u dhac kale ku yimaado  doorashada, codsaday madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada in aysoo gebogebeeyaan ugu dambeyn 15-ka Maarso.

Goobjoog News