U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Gaaray Tunuusiya iyo TICAD oo Maanta Halkaas Ka Furmaya

Sheeko:Caalamka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tuniisiya, iyadoo halkaas si diirran loogu soo dhaweeyay, waxaana soo dhweeyay wasiirka gaashaandhigga dalka Tunuusia Imed Memmich iyo masuuliyiin kale oo dalkaas ah.
Wafdiga Soomaalida ah ee gaaray dalkaas  ayaa ka qaybgalaya shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa (TICAD) shirka ayaa waxaa lagu wadaa inuu sirasmi ah u furmo maata oo sabti ah taariikhduna tahay 27-ka bisha August, waxaana lasoo gabagabeyn doonaa maalinta barri  ee 28-ka August, iyadoo looga hadlayo arrimo nabadda ay ku jirto.

Tokyo International Conference of African Development ayaa waxaa uu soo bilowday sanadkii 1993-dii, dowladda Japan ayaa martigelisa, waxaana looga hadlaa hormarinta , nabadda iyo ammaanka dalalka ku yaalla qaaradda Afrika, waxaana, safaka ra’iisulwasaaraha ayaa safarkii ugu horeysay oo dalka uu kaga ambabaxo tan iyo markii lasoo magacaabay.

Goobjoog News